Discover

Topics

Xeel-Daaq

Xeel-Daaq APK

Xeel-Daaq APK

5.0 FreeSoomaal Technology ⇣ Download APK (10.07 MB)

xeelDAAQ, waa hage ku baraaya sidii aad u sameysan lahayd ganacsi kugu filan.

What's Xeel-Daaq APK?

Xeel-Daaq is a app for Android, It's developed by Soomaal Technology author.
First released on google play in 3 years ago and latest version released in 3 years ago.
This app has 1K download times on Google play
This product is an app in Books & Reference category. More infomartion of Xeel-Daaq on google play
xeelDAAQ, waa hage si kooban kuu tusaaya dhacdooyinka
suurogalka ah ee aad la kulmi karto, hayaanka-hawleed intaad
ku gudajirto. Marleyna ma aha inay kuwaa laftoodu dhacaan
ama inay dhici doonaani. Dhugo oo kaliya, dabeedna qaado
go‟aankaaga. Waa saddex miduun aragti ahaan oo waa: hadal, hawl iyo waxqabad, ama hiil. Xeeldaaqna waa intaba.

Bahda qalinlayda iyo gole aqooneed kasta waxa dhex iyo nud u
ahi waa boorrin iyo tusaalayn. Waana gudbin ujeedadoodu iyo
inay baahiyaan wixii kastee ay u gartaan samo iyo inuu
ogaansho u qalmo. Qormaduna intaasi yuunbay ka duulaysaa,
oo waxa ula-jeedadu tahay in dhalinyar badani ku dhiirato
bilawga arrin u gaara, iyo abbaabulka hawl ay iskood u
yeeshaan maaraynteeda. Hab raacu waa kala gedismi karaa
siday ayaamihii tagay werinayaan. Lama hayo jid toosan oo
laysla yaqaano inuu dhab u daadihiyo guusha, mana jiro mid ka
ag dhow oo isna yeedhiya meerisyadda ay cawda saldhiga ahi
ka tolan tahay. Hubaashii se, dhabbada la maraayo, hubka la sito iyo gunaanadka intaba waa lagu kala gedisan yahay. Cid kastoo tidhaahda jarranjaradaa qaad, iyo taa kale u marna run may sheegin. Layskaga mid maaha xagna, oo lagama midaysna humaaga kore mooyee wax kale. Kaliya waxa la wadaagaa waa hanaanka qorshaymeed, hab-samida iyo rabitaanka guusha.